Qiimeeyn Ciyaarta Dhex Martay Labada Madrid

Ad

Ad

Share

Real Madrid ayay xalay u ahayd habeen farxadeed kadib markii ay 3:0 ku garaaceen kooxda ay sida wayn Madrid ugu xifiltamaan ee Atletico Madrid ee kulankii lugta hore ee afar dhamaadka Champions Leaque-ga. Cristiano Ronaldo ayaa markale Atletico Madrid dhulka jiiday isaga oo markii labaad xili ciyaareedkan ka dhaliyay saddexley goolal ah. Guushan ayaa Los Blancos ka caawinaysa in ay kulanka lugta labaad Calderon iskeento iyada oo aan qabin wax walwal ah.







Haddaba sidii aad nooga barateen waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid taas oo laga fahmo bandhiga ciyaartoyda kulamada bandhiga fiican ka sameeya iyo kuwa ku fashilma. Sida aad ogtihiin qiimaynta ugu saraysa ee uu ciyaartoy bandhiga ugu fiican ku heli karaa waa 10/10 darajo.

XIDIGII GAROONKA: Shaki la’aan Cristiano Ronaldo ayaa ahaa xidigii garoonka ugu fiicnaa wuxuuna ahaa xidiga sida buuxda sameeyey farqiga labada kooxood u dhexeeyay kulankan. Ronaldo ayaa si fiican Atletico Madrid ugu ciqabay qaladaad waa wayn oo ay kulankan ka sameeyeen si uu Zidane iyo kooxdiisa ugu gacan galiyo guul wax wayn u tari doonta kulanka lugta ee Calderon.


Wuxuuna Ronaldo kulanka muujiyay in uu wali go’aamin karo kulamada waa wayn. Ronaldo ayaa helay qiimayn 9.5 ah waana qiimayn ugu dhawaan ah darajada ugu saraysay ee uu ciyaartoy ka heli karayay kulankan.





QIIMAYNTA CIYAARTOYDA REAL MADRID:
Haddii uu Ronaldo ahaa xidigii garoonka ugu fiicnaa saaxiibkiisa Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ka mid ahaa shanta ciyaartoy ee kulankan ugu qaab ciyaareedka liitay wuxuuna wuxuuna xidiga ree France muujiyay sida uu xili ciyaareedkan hoos u dhaca wayn u sameeyay. Benzema ayaa helay qiimayn 5.5 ah waana qiimaynta ugu hoosaysa ee uu ciyaartoy Real Madrid ahi kulankan ka helay.

Savic slides across the Bernabeu turf to stop Karim Benzema launching yet another attack for the home side

Sidoo kale Isco ayaan muujin in uu si fiican uga faa’iidaystay fursadii la siiyay waxayn aisku qiimayn yihiin Marco Asensio oo lagu soo badalay daqiiqadii 67 aad iyada oo da’yarka Asensio uu Isco ka hal abuur fiicnaaday.

REAL MADRID: Navas 6.5, Carvajal 6.5, Ramos 7, Varane 7, Marcelo 7, Kroos 7, Casemiro 7, Modric 7.5, Isco 6.5, Benzema 5.5, Ronaldo 9.5

BADALKII: (Nacho 46 mins – 6), (Vazquez 77-6), (Asensio 67 – 6.5)

BADAL AAN LA ISTICMAALIN:Casilla, Rodriguez, Kovacic, Morata







QIIMAYNTA CIYAARTOYDA ATLETICO MADRID:
Dhinaca Atletico Madrid waxaa jira xidigo badan oo si buuxda kulankan ugu fashilmay waxaana ugu horeeya xidigii saamaynta wayn laga filayay ee Antoine Griezman kaas oo kulankan sida Benzema ka helay 5.5, xidiga saddexaad ee ree France oo kulankan ku fashilmay ayaa ah Gameiro kaas oo isna helay qiimayn 5.5 ah. Gabi, Carrasco iyo waliba Savic ayaa ku jira xidigaha Simeone dhulka jiiday ee bandhig xun sameeyay

ATLETICO MADRID: Oblak 6.5, Lucas 6, Savic 5.5, Godin 6, Filipe Luis 6, Koke 6, Gabi 5.5, Saul 6 , Carrasco 5.5 , Griezmann 7, Gameiro 5.5

BADALKII: (Gaitan 58 – 6), (Correa 67 – 6) , (Torres 57 – 6.5)

BADAL AAN LA ISTICMAALIN:Miguel Moya, Tiago, Thomas, Rodriguez






ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*