UAE Oo Soomaliya Saaraysa Cuunaqabateen….

Ad

Ad

Share

Xulufada uu hogaaminayo Sucuudigu ee go’doominta ku haya Qadar ayaa ugu baaqay waxay ugu yeereen dalalka ay walaalaha yihiin inay kusoo biiraan si cadaadiska loogu kordhiyo Dooxa.


Sucuudigu wuxuu sheegay inuusan jiri doonin dal dhex-dhexaad ah ee looga baahanyahay wadamada ay xiriirka fiican leeyihiin inay ku soo biiraan ama ay dhabarka u jeediyaan.

Dalal ay ka mid yihiin Pakistaan, Soomaaliya iyo Marooko ayaa ilaa iyo hada diidan inay labada dhinac mid uun la saftaan, iyagoo ku baaqaya in khilaafka lagu xaliyo wada-hadal.


Riyaad waxay kordhisay cadaadiska ay ku hayso dalalka Islaamka si ay uga hesho taageero, taas oo ku riixday Raysal Wasaaraha Pakistan inuu booqasho deg deg ah ku tago Jeddah.

Saraakiil u hadlay Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in xulufadu ka fekerayso sidii ay cunaqabatayn u saari lahayd dalalka ka dhego adayga dalabkooda.
“Waa cadahay siyaasadayadu dal kasta waxaa u furan labo wado, inuu na soo raaco ama inuu Qadar isu dhiibo.
Ma jiro waxkale oo aanu aqbali doono” Sida laga soo xigtay Imaaraadka.


Imaaraadka Carabta iyo xulufadiisu waxay ka fekerayaan sidii ay cunaqabatayn ugu soo rogi lahaayeen dalal ay ka mid yihiin Eritrea, Suudaan iyo Soomaaliya, ayuu sii raaciyey.

Dubia ayaa ah suuqa ugu weyn ee Soomaalidu badeecadaha u dhoofiso kalana soo degto, hadii la xayiro ganacsigaas waxaa hubaal ah inuu dhaawacmi doono dhaqaalaha guud ee Dalku.

Beerdhiga News
Email: info@beerdhiga.com

ad

Ad

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*