XOG: Shirkada UAE Ee DP World Oo Dekkad Sadexaad Lagu Wareejiyay

Ad

Ad

Share

Muqdisho (Beerdhiga News) – Hogaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa weli ku sugan magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta.




Hogaamiyaha ayaa halkaa kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda DP World oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.

Shariif Xasan ayaa Madaxda usoo bandhigay inay dhismo ku sameysan karaan Dekadda Baraawe oo la rumeysan yahay inay kasoo xaroon karto dhaqaale xoogan.




Shariif Xasan iyo Madaxda Shirkada ayaa ugu danbeyntii isku afgartay in la qiimeeyo Dekadda Baraawe, si loo soo arko meelaha maalgashiga u baahan.

Shirkadaani ayaa la filayaa in wafdi ay u dirto magaalada Baydhabo kuwaa oo qiimeyn doona qaab dhismeedka Dekadda Baraawe iyo dhaqaalaha ku bixi kara haddii ay dhacdo in lagu heshiiyo qorshaha ay Imaaraadka kula wareegeyso Dekadda.




Shirkaddan laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa inay la wareegto dhamaan Dekedaha ku yaala Soomaaliya.

Dekadaha ay horay ula wareegtay shirkadaani ayaa waxaa kamid ah Dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiisyo kala gaar gaar ah la gashay Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Beerdhiga News
Email: info@beerdhiga.com

ad

Ad

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*