Ciidamada Puntland oo Majeerteen ahaan ugu Biiray Dagaalka Ka Socda Xadka Gobolka Sool

Ad

Ad

Share

Garoowe (Beerdhiga News)- Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee Gurmurka ee gobolka Sool dhanka xadka Itoobiya ka xiga ayaa sheegaya in dagaalkii culsaa ee shalay ka dhacay, ka dib uu maanta jiro gurmad xoogleh oo kusii qulqulaya jiidaas.




Dagaalkii Shalay oo u dhexeeyey Beesha Baharsame ee Dhulbahante iyo beesha Cumar Maxamuud ee Majeerteen oo ku dhinteen 4 Baharsame ah iyo 15 Majeerteen ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in maanta ciidamada Puntland oo ka kala yimi Garoowe iyo Gaalkacyo ay dagaalka kusoo biireen, taasoo ka dhigeysa in guud ahaan Dhulbahante iyo Majeerteen uu dagaalku u dhexayn doono.




Inkasta oo uu maanta aanu dagaal dhicin haddana gaadhi ay wateen ciidamada Puntland oo kusii jeeday goobihii shalay lagu dagaalamay ayaa gidoomay, waxaana ku dhintay hal askari halka tiro ku dhow 10 askarina ay dhaawacantay.

 

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*