Dagaal Khasaare Nafeed Geystay oo Gaalkacyo Ka Dhacay

Ad

Ad

Share

Gaalkacyo (Beerdhiga News)- Magaalada Gaalkacyo ee xaruna gobolka Mudug ayaa waxaa maanta ka qarxay dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.




Dagaalkan oo isagu ka dhacay suuqa Cirtoogle ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa sabab u ahaa ka dib markii labada maleeshiyo beeleed ay isku qabteen lahaanshaha dhulka dhisme bakhaar  oo suuqa yaalla.




Inta la xaqiijiyay Shan qof ayaa dagaalka ku dhintay 6 qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale mararka qaarkood la maqlayaa rasaas goosgoos ah, dhan kale ilaa hadda dagaalkan kama aysan hadlin maamulada labada dhinac.

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*