Dalka Tunisia oo Xayiraad Saaray Diyaaraddaha Dalka Imaaraadka Carabta

Ad

Ad

Share

Tunisia (Beerdhiga News)- Dawladda Tuniisiya ayaa ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha Shirkadda Emirates oo laga leeyahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.





Go’aanka ay qaadatay dowlada Tunisia ayaa waxaa uu jawaab u yahay amar loogaga mamnuucay haweenka u dhashay wadanka Tunisia inay galaan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta. Jimcihii ayay dawladda Tuniisiya sheegtay in ay safiirka Imaaraadka waydiisatay in uu caddeeyo waxa jira, waxaana loo sheegay in ay tallaabo ku meelgaar ah ahayd haddana la qaaday.




Warbaahinta guduhu waxay ku warrantay in dumarka Tuniisiya loo diidanaa in ay raacaan diyaaradaha Imaaraadka ee Dubay u socda muddo dhawr maalmood ah. Qaar ka mid ah dumarka Tuniisiya ayaa la sheegay in safaradii ay Imaaraadka ku tagilahaayeen dib loo dhigay si baaritaanno dheeri ah loo mariyo dal ku galladii ay wateen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.Tuniisiya ayaa isku dayaysay in ay hagaajiso calaaqaadka ay la leedahay Isutagga Imaaraadka Carabta ka dib markii uu xumaaday 2011 markaas oo kacdoon uu ka dhacay dalkaas. Xisbiga Ennahda oo ah isbahaysiga hoggaanka haya ayaa sidoo kale loo arkaa in uu xiriir la leeyahay Qadar oo ay go’doomiyeen Imaaraadka, Sacuudiga iyo Baxrayn iyaga oo ku eedaynaya in ay argagixisada taageerayso. 

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


error: Content is protected !!