DEG-DEG: Dagaal Culus oo u Dhexeeya Beesha Bahararsame ee Dhulbahante & Ciidamada Puntland iyo Beeshooda Majeerteen oo Hadda Socda

Ad

Ad

Share

Laascaanood (Beerdhiga News)- Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo ay isaga hor yimaadeen beesha Bsharsame ee Dhulbahante iyo beesha majeerteen oo garab ka helaya ciidamada Puntland ayaa ka socda duleedka magaalada Qoriley ee gobolka Sool.




Dagaalka iyo xaaladan colaadeed oo in dhoweyba ka socotay deegaanada beesha baharsame oo ay weerarka ku soo qaadeen beesha Cumar Maxamuud ayaa markii ay dagaalka ku jabtay beesha Cumar Maxamuud, waxaa qaylo dhaan ay dirsadeen gurmad u fidiyey beesha Majeerteen iyo ciidamada Puntland oo ay hor kacayaan kuwii madaxtooyada ee Cabdi Weli Gaas oo dhowaan Burtinle soo gaadhay.




Dagaalka maanta oo ay soo qaadeen beesha Majeerteen iyo ciidamadooda Puntland ayaa ahaa mid ay aad ugu jabeen, waxaana Burtinle la geeyey dhimasho iyo dhaawac tiro badan ku, sidoo kale waxaa jira maydad ay ka carareen oo weli daadsan dhilka hawdka ah.

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*