Dowladda Soomaaliya oo Baaq Culus u Dirtay Beesha Dhulbahante, Puntland & Somaliland

Ad

Ad

Share

Muqdisho (Beerdhiga News)- Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo maanta ka hadashay dagaalkii saddex maalmood ka hor Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegtay in ay ka walaacsn tahay dagaalkaasi.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.




Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah” .




Sida ku cad baaqa dowladda ayaa si toos ah ugu socday Beesha Dhulbahante oo iyadu iska leh dhulka lagu dagaalamayo, maamulada Puntland iyo Somaliland oo iyaguna ah kuwa dagaalamaya.

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*