Laba nin oo lagu daldallay maraykanka kadib kufsi ay geysteen.

Ad

Ad

Share

Gobolka arkansas ee cariga maraykanka ayaa lagu fuliyey xukun dil ah labada nin ee kala ah jones and Marcel Williams kadib markii ay gaysteen kufsi badheedh ah . Labadan nin ee aan magacooda  aan kor kusoo xusnay ayaa lagu helay inay geysteen faldambiyeed kufsi iyo dil isagu jira sanadkii 1990s yadii. Maxkamada gobalkaasi ayaa kadiiday racfaan ay qaateen daqiiqadihii udambeeyey qareenada udoodayey labada nin. waa markii u horeysay oo isku maalin lagu daldalo laba ruux carigaasi maraykanka muddo 17 sanadood gudahood ah. Xeer ilaaliyaha gobolka Arkansas ayaa markii hore qorshaynayey inuu dil kufuliyo 8 ruux muddo 11 maalmood gudahood ah ,sababtoo ah waxaa siidhacaya dhamaadka bisha april irbadaha loogu talo galay in qofka ladaldalayo ay xanuunka kayareeyaan ilaa iyo mudada loogu talagalay.   Jones ayaa sheegay inuu dhibaato kala kulmo irbadaha dadka lagu dilo. Jones ayaa lagu helay inuu ciijin iyo faraxumayn iskugu daray gabadha la odhan jiray marry phillips.   Qareenada williams ayaa iyana kubaaqay inay adkaan doonto in lahelo xididadiisa maadaama uu culayskiisu yahay 180kg. William oo ahaa eedaysane lagu helay inuu kufsi iyo dil iskugu daray haweenayda Stacy Errickson ayaa dil lagu xukumay sanadkii 1997kii. Ledell oo ahaa qofkii ugu horeeyey ee xukun lagu fuliyo tan iyo sanadkii 2005 tii ayaa xukun daldalaada lagu fuliyey khamiistii.

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*