Madaxweynaha Puntland oo Somaliland Ku Dacweeyey Michael Keating

Ad

Ad

Share

Muqdisho (Beerdhiga News)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa Michael Keating ku dawcweeyey Somaliland, wuxuuna ugu baaqaday in uu Somaliland saaro cadaadis culus si uu wax uga qabto xaaladda Tukaraq.




Cabdiweli Gaas ayaa Keating u sheegay in puntland aaney diyaar u ahayn in ay wax dagaal ah ku qaado magaalada Laascaanood, laakiin taa bedelkeeda waa in Somaliland ay ka baxdaa Tukaraq oo hore puntland ugu ahayd Kastam ay cashuur fara badan ka heli jirtay.




Dacwadan uu Cabdiweli Gaas ka gudbiyey Somaliland ayaa si cad ugu markhaati kacaysa in Puntland aaney u diyaarsanayn dagaal ay la gasho Somaliland, laakiin ay rabto uun Kastamkeedii Tukaraq ee ay baabuurta ku cashuuri jirtay.

 

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*