Madaxweyne Farmaajo oo Gaadhay Qardho Laguna Gudoonsiiyey Hadyaddo Qaali ah

Ad

Ad

Share

Qardho (Beerdhiga News)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray Magaalada Qardho ee xarunta hobolka Karkaar. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dhammaan dad weynaha iyo waxgaradka  magaalada Qardho oo uu u horeeyo Boqor Burhaan.




Sidii caadada ahayd safarka waftiga Madaxweyne Farmaajo ee Puntland waxaa ku wehelinaya, oo meel walba la tagaya Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka mid ah labada gole ee Punhland.

Madaxweyne Farmaajo oo safarkan uuQardho ku tagay ahaa mid dhulka ah ayaa waxaa Boqor Burhaan uu gufoonsiiyey Faras iyo hadyado kale oo qaali ah oo uu boqorku kaga qaybqaadanayo  soo dhoweyta madsxweynaha iyo waftigiisaba iyada oo dhanka kalena casuumad heer caalami ah waftiga Madaxweynaha Qardho loogu sameeyey.




Kahor inta uusan Madaxweyne Farmaajo uusan gaarin magaalada Qardho ayuu dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta Dangoronyo iyo degmada Eyl ee Gobalka Nugaal. Madaxweyne Farmaajo ayaana safarkiisa qardho uga sii gudbi doona magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee ganacsiga Puntland, safaekaas oo noqonaya kii ugu badnaa ee madaxweynuhu uu dhul 500Km ku dhow safar dhulka ah kumaro.

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*