Madaxweyne Farmaajo oo Xaliyey Xisaddii Siyaasadeed ee Cadaado Ka Taagnayd

Ad

Ad

Share

Cadaado (Beerdhiga News)- Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo xaliyey xiisadii siyaasadeed ee ka taagneyd degmada Cadaado, kad dib markii uu markii uu mar kale dib ugu laabtay degmada Cadaado.




Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka reer Cadaado oo cabasho ka keenay heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna. Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha Beesha Cadaado ay u soo jeediyeen Madaxweynaha qoddobo dhowr ah oo ay ka mid tahay in la caddeeyo maqaamka ay yeelaneyso Cadaado.




Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Cadaado ay noqoneyso Xarunta Baarlamaanka Galmudug oo fadhi u noqoneyso Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada. Madaxweynaha sidoo kale ayaa dhagax dhigay garoonka diyaaraddaha Cadaado, taasoo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaanada Galmudug.




Waxaana si weyn xalinta madaxweynaha ugu qancay odayaasha Beesha Cadaado, kuwaasoo madaxeeyne Farmaajo uga mahadceliyey wax qabadkiisa iyo doorka odaytinimo iyo madaxweynenimo ee uu ka qaatay xalinta iyo soo afjaridda xiisadii Cadaado ka taagnayd.

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*