Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo Amartay in Dacwadda Loo Haysto C/raxmaan C/shakuur ay Sii Soco

Ad

Ad

Share




Maxkamadda racfaanka oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go’aan ku gaartay:-■ In xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa. 

■ Waxay maxkamaddu safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto.

Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.




Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qareeno u doodaya midna ma soo xaadirin fadhigii maxakamadda oo aan sidoo kale loo ogoleyn warbaahinta.

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


error: Content is protected !!