Muuse Biixi oo La Shiray Tiro Yar oo Odayaal Beesha Garxejis ah & Odayaal Kale oo Diidey

Ad

Ad

Share

Hargeysa (Beerdhiga News)- Muuse Biixi oo ah ninkii loogu dhswaaqay inuu ku guuletstay doorashadii musuqmaasuqu hadheeyey ee dhowaan ka qabsoontay Somaliland ayaa maanta la kulmay odayaash faro ku tiris ah oo beesha Garxejis ka socda.




Odayaasha uu Muuse la shiray ayaa waxaa soo uruuriyey siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Waran Cadde, waxaase siyaasoyiintaasi ay ku guuldareysteen in ay meesha keenaan odayaashii sida weyn uga soo horjeeday Muuse Biixi.




Tan iyo maalintii Muuse Biixi loogu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii dhacday, waxaa isasoo tarayey mucaaraddada iyo kacdoonka looga soo horjeeday ku shubashada doorashada, waxaana mudaharaadadii looga soo horjeexay ku dhintay dad shicib ah oo ay askarta Kulmiye rasaas la dheceen.

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*