Real Madrid oo Xalay Taariikh Cusub Dhigtay Mid Kalena Soo Wada +(Sawirro)

Ad

Ad

Share


Madrid (Beerdhiga News)— Kooxda kubdad Cagta ee Real Madrid ayaa Habeennimadii xalay ahayd ku guuleysatay Horyaalka La Ligaha Spain, markeedii 33-aad, iyada oo xalay guushaas ka soo hoysay ka dib markii ay 2-0 ugu awood sheegatay kooxda Malaga.

Kooxda Real Madrid ayaa xalay uun u baahneyd kaliya hal dhibic, oo ka dhignaa Barbar dhac si ay horyaalka ugu guuleysato, Nasiib wanaag se waxa ay keensatay 2 oo ay ukala saxeexeen weerar yahannadooda Ronaldo iyo Benzema.




Macalinka Real Madrid Zidane ayaa kooxdiisa u qaaday horyaalkiisii u horeeyay, tan iyo markii sanadkii hore uu qabtay xilka Tababarnimo, waxaana uu xalay soo afjaray dhowr Sanno oo xidhiidh ahaa oo aaney Real u urin koobka Laliga.

Kooxda Real Madrid ayaa ugu dambeysay Horyaalka Spain sanadkii 2012, waxaana ay kooxda xilligan joogtaa Finalka Koobka Champions League oo ay isku soo hareen kooxda Juventus.




Real ayaa haddii ay ku guuleyso taariikh cusub ka dhigi doonta Horyaalka Champions League, waxaana ay sii dheeraysaneysaa hogaanka koobkaas, iyada oo hore u qaadey 9-jeer, kana uu kusii noqon doono 11-jeer halka kooxaha ugu dhow ay tahay Acmilan oo 6-jeer uun qaadey.

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*