Sidee Maanta Loo Dilay Madaxweynihii Yemen Cali Cabdalle Saalax?

Ad

Ad

Share

Nairobi (Beerdhiga News)- Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalix oo ka soo baxay magaalada Sanca ayaa gaadiidkiisa wadada loo galay, waxaa la socday kaaliyaha xogheyaha guud ee xisbiga Yaasir Cawaadi, General Cabdalla Maxamed qowsi iyo wiilkiisa Khaalid Cabdalla Saalix, markii ay soo gaareen tuulada Jaxshi oo u dhaw Sanca ayaa waxaa soo weeraray 20 Tikniko ah oo Xuutiyiinta ah, kadibna nolosha ayaa lagu qabtay Cali Cabdalla Saalix, gaariga aya laga soo dejiyay, Madaxa ayaa laga toogtay, waxaa sidoo kale la dilay kaaliyaha ururka halka wiilkiisa Khaalid oo dhaawac ah la afduubtay!




Dhinaca kale, waxaa la la’yahay mas’uuliyiinta ka tirsan ururka, Lama oga halka ay joogaan xogheyaha guud ee ururka Mu’tamar Caarif Zuuka iyo taliya ciidanka Dhaariq Saalix.

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*