Soomalidii Yemen Lagu dilay Oo Weli La Aasin 39 maalmood ka dib..

Ad

Ad

Share

39 maalmood ayaa laga joogaa markii si gardarro ah lagu dilay 42 qof oo Soomaaliya ah oo doon saarnaa xili ay u socdeen dalka Suudaan.

 

Mudada intaa la eg, weli meydadkii lama aasin, sidaa xaqiijiyay shaqaale oo ka tirsan hey’adaha  diiwaangeliya qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxeey wararku sheegayan in warqadihii loo baahnaa sidii dadkaasi lagu aasi lahaa ay hadda soo dhamestirmeen yadoo lagu rajo weenyahay illaa Jimcaha ama Sabtida in la aaso dadkaasi.

Mar aan weydiiney sababta dowladda Soomaaliya ula hadli la’dahay Xuutiyiinta waxaa uu shaqaalahaasi ku jawaabey:

Waxaa ay yiraahdeen inagu ma ictiraafsanin Xuutiyiinta, oo lama hadli karno, oo inagu dowladda rasmiga uunbaan xiriir la leenahay”

Waxaa sidoo kale weydiinay xaaladda dadkii waxyeellada soo gaartay?

Dadkii dhaawaca ahaa ee Isbitaallada yaaley waxaa ay ahaayeen 14 qof, dad kale labo meelbaa lagu hayaa, ragga waxaa lagu hayaa xabsiga dhexe, hablahana meel Kaam ah oo ay leedahay IOM

Xaaladda dadka dhaawaca ah waxaa uu yiri “Dadka dhaawaca ah intii badneyd waa bogsoodeen, waxaa ugu culus oo iminka isbitaallada ku haray waa 4 xaaladood”.

Waxa kale  uu sheegay in dadka ay gacanta ku hayaan hey’adaha UNHCR, ICRC, IOM

Dhinaca kale waalidiinka dadkii ku dhintay duqeynta oo la hadlay Warbahinta waxaa ay dalbanayaan in caruurtooda la aaso, iyaga oo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya aaney la hadlin.

26-kii bishii March ayey diyaarad Helicopter ah duqeyn ku dishay 42 qof oo Soomaali ah oo saarnaa dooni ku sii jeeday dalka Suudaan.

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*