Uhuuru Kenyyaata Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtinimada Dalka Kenya.

Ad

Ad

Share

Nairobi (Beerdhiga News)- Uhuuru Jooma Kenyyaata, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynihii ugu horeeyey Kenya  Jooma Kenyyaata, ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinimada dalka Kenya.

Uhuuru, oo horey u ahaa madaxweynaha dalka Kenya ee hadda waqtigiisu dhamaaday ayaa guushani u noqonaysaa markii labaad oo uu ku guulaysto madaxtinimada dalka Kenya.

waa markii ugu dambaysay ee uu 55 jirkan ka socday xisbiga muxaafidka ah ee Jubilee uu hayn dooni xilka madaxtinimada dalka Kenya muddo 5 sano ah, isagoo ku guulaystay 54/100 codadka guud.

William Ruto, ayaa isna ku guulaystay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya,iyadoo tani u noqonayso markii labaad ee loo doorto jagadaasi.

Dhanka kale isbaahaysiga mucaaradka NAZA, ee uu hogaamiyo Raila Odinga, ayaa horey u qaadacay natiijada doorashada, isagoona sheegay in loo dhacay kaydka gudida doorashada ayna hayaan cadaymo waloow uusan sheegin cadaymaha.

Odinga, ayaa sheegay inaysan aadi doonin maxkamad balse uu hayo caddeymo kufilan mana sheegin talaabada ay qaadi doonaan.

Gudida doorashada ayaan dhag jalaq usiin eedaymahaasi kaga imaanayey.

Kormeerayaal caalamiya ayaa ku amaanay gudida doorashooyinka hanaanka wanaagsan ay hawsha u wadaan waxayna sheegeen inay dhex kayiin arimaha doorashada.

 

 

ad

Ad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*